Madaxweyne Xassan iyo Ban Ki Moon oo wada shir guddoominaya kulan looga hadllay xaalada Soomaaliya

by admin | Monday, Sep 28, 2015

New York : HN :–Magaalada New York ee dalka Mareykanka waxaa ka furmaya kulan gaar ah oo wadda jir u shir guddoomin doonaan madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo xog-hayaha  guud ee QM kaa looga hadlli doono xaalada Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galaya dowladaha iyo ururada daneeya arrimaha Soomaaliya, iyadoo ujeedkiisa yahay sidii loo

UN Secretary General, Ban Ki-moon (L) and Somalia's President Hassan Sheikh Mahamud give a joint press conference on October 29, 2014 in Somalia's capital, Mogadishu. UN chief Ban Ki-moon warned on October 29, 2014 that Somalia risks returning to famine barring urgent aid, as he visited the war-torn country three years since more than 250,000 people died of hunger. "Over three million Somalis are in need of humanitarian assistance and unfortunately that number is growing. I urge donors to step up contributions to avert another famine in Somalia," Ban told reporters in the capital Mogadishu. AFP PHOTO/Mohamed ABDIWAHAB        (Photo credit should read Mohamed Abdiwahab/AFP/Getty Images)

UN Secretary General, Ban Ki-moon (L) and Somalia’s President Hassan Sheikh Mahamud give a joint press conference on October 29, 2014 in Somalia’s capital, Mogadishu. UN chief Ban Ki-moon warned on October 29, 2014 that Somalia risks returning to famine barring urgent aid, as he visited the war-torn country three years since more than 250,000 people died of hunger. “Over three million Somalis are in need of humanitarian assistance and unfortunately that number is growing. I urge donors to step up contributions to avert another famine in Somalia,” Ban told reporters in the capital Mogadishu. AFP PHOTO/Mohamed ABDIWAHAB (Photo credit should read Mohamed Abdiwahab/AFP/Getty Images)

qiimeyn lahaa xaaladaha Amniga, siyaasada iyo qorshayaasha lagu gaarayo sanadka 2016.

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa sheegay in kulankan uu yahay mid muhiim ah oo lagu gorfeynayo qaabka loo wajahayo sanadka 2016, maadaama marxalad kala guur la geli doono.

“Shirkan ujeedkiisa wuxuu yahay sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa Xaalada Soomaaliya, gaar ahaan Amniga, Siyaasada iyo qorshayaasha kale ee kala guurka ah, wixii qabsoomay iyo qaabka loo wajahayo sanadka 2016″ayuu yiri Daa’uud Aweys oo la hadlayay Idaacada BBC-da.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Madaxweynaha uu ka qeyb geli doono kulan kale oo looga hadlayo arrimaha ammaanka oo ay yeelanayaan Madaxda wadamada Ciidamada ka jooga Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale magaalada New York kula kulmi doona Ra’iisul Wasaaraha Britain David Cameron iyo Boqorka Jordan Boqor Cabdalla.

Ugu danbeyntii Soomaaliy ayaa la fillayaa in bilaha soo socda gasho marxalad kala guur ah, xilligaasoo la qorsheynayo in la soo doorto dowlad cusub oo bedesha dowladda hada jirta.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!