Madaxweyne Xassan : Kenya wax xurguf ah ama khilaaf ah nagama dhaxeeyaan

by Somali | Thursday, Dec 13, 2012 | 1 views

Muqdisho : HN :   Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Shiikh Max’uud ayaa sheegay in uusan jirin wax khilaaf ah oo ka dhaxeeya labada dowladdood Soomaaliya iyo Kenya, isaga oo sheegay in dhawaan isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay u kicitimi doonaan dalka Kenya.

Waxaa uu sheegay madaxweyne Xassan Shiikh Max’uud in dowladda Kenya ay ka mid tahay dowladdihii u soo gurmaday sidii nabad waarta looga dhalin lahaa dalka Soomaaliya, iyaga oo u soo dirray ayuu yiri kumanaan ciidamo ah.

‘’Waa warar aan waxba ka jirin, annaga iyo dowladda Kenya wax xurguf ah nooma dhaxeyso ayuu yiri,’’ madaxweyne Xassan Siikh oo intaa ku darray in kumanaan ciidamo ah ay hadda ka joogaan Soomaaliya kuwaasoo gacan buuxda siinaya dowladda Soomaaliya.

Mar uu soo hadal qaaday sababta keentay in uu dib u dhaco safar uu ku tagi lahaa dalka Kenya, waxaa uu sheegay in uu jiray mashuul labada dhinacba ah, madaama ay jiraan ayuu yiri maalmihii aynu soo dhaafnay shirar mashuul lagu ahaa labada dhinacba.

‘’Mashuul ayaa jiray oo kaliya mar aynu annaga mashuul aheyn iyo mar ay dhinacooda mashuul ahaayeen, laakiin weynu ballansannahay todobaadyada na soo aadanna waxaan tagi doonaan dalka Kenya ayuu yiri,’’ madaxweyne Xassan Shiikh Max’uud.

Warka ka soo baxay madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa ku beegmaya xili uu dib u dhacay ku yimid labo mar safar la qorsheynayay in uu ku tago dalka Kenya, taasoo loo fasiray in uu jiro khilaaf xoogan oo u dhaxeeya labada dhinac.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!