Madaxweyne Xassan” khilaafka waxaa xalinaya hay’addaha sharciga ee dowladda

by admin | Thursday, Nov 20, 2014

XasancopCopenhagen : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa sheegay in loo bahan-yahay waqti si hay’adaha shacriga ee dowladda Soomaaliya u dhammeeyan khilafka kala dhexeya ra’iisul wasaaraha.

Madaxweynaha ayaa isaga oo ku sugan magaalada Copenhagen,waxaa uu uga jawaabay beesha calaamka wal walka ay ka qabaan xiisada ka taagan Soomaaliya iyo kala fogan-shiyaha madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Madxaweynaha waxaa uu sheegay in kala aragti duwanaanshaha taagan in lagu kala bixi doona sida hay’adaha sharciga ee dowladda,waxuuna beesha caalamka usoo jeediyay in siyaasada gudaha ay tahay mid utaalla Soomaalida.

“Khilafka iyo kala aragti duwanaanta xilligan waxaa ku howlan hay’adaha sharciga ee dalka arrintaana waa mid Soomaali is kaleh, Soomaali ayay u taalaa inay xalisato, beesha Caalamka ra’yi inay na siiyaan waaye, waxaana rajeyneynaa in wada hadal, is qanci iyo dimoqraadiyad ayaa lagu kala baxayaa”ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Hadalkan waxuu muujinaya in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka soo horjeedo baaqa ka imaanaya beesha caalamka oo ay farayaan madaxda dowladda inay sii wada shaqeeyan.

Waxuu ku sheegay xaalada siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya inaysan ahayn mid khatar ku ah isbadalka dalka lala doonayo,balse arrinta khatarta ku ah waxuu ku sheegay dagaalka ay kula jiraan kooxaha ka soo horjeeda amniga sida Al-shabaab.

“Ma haboona waxii is qab qabsi ah in loo aado dibadda,balse waxaa laga doonaya xalintooda hay’adaha sharciga gaar ahaana madaxtooyada,xukuumadda iyo baarlamaanka,”ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo ka qayb-galaya shirka hiigsiga cusub oo lugu waddo maanta in la soo gaba-gabeeyo ayaa sheegay inuu rajo wanagsan ka qabo natiijada ka soo bixi karta.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!