Madaxweyne Xassan” looma dulqaadan doono dagaallada ku soo noq noqday magaalada Beledweyne

by wadani | Tuesday, Dec 22, 2015

Beledweyne : HN :– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo maalintii shalay gaaray magaalada Beledweyne ayaa amar adag ka soo saaray xaalada ammniga guud ahaan gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Beledweyne oo todobaadyadii aynu soo dhaafnay ka dhaceen dagaalo is xig xigay iyo rabashado ka dhashay dil bXasan-Barlamaanka1ishii hore loogu geystay magaalada sarkaal ka tirsanaa QM.

Madaxweyne Xassan Sheekh, ayaa ku amray taliyaha ciidammada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa AMISOM Cismaan Dubad in wixii hadda ka danbeeya tallaabo adag laga qaado sidda uu hadalka u dhigay kooxaha qaswadayaasha ee ka shaqeynaya marar badan colaada ku soo noq noqtay gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ula dardaarmay taliska ciidammada Jabuuti ay ka soo dhalaalaan sugida ammniga gobolka, madaama ay inta badan ciidammada yihiin kuwo shacabka ku dhax-jira marka la eego ciidammada Itoobiya oo ay ka wadda-tirsan yihiin AMISOM oo fariisimo ku leh meel ka baxsan magaalada.

Taliyaha ciidammada Jabuuti, ayaa sheegay in uu ku shaqeynayo awaamiirta madaxweynaha lana aqbali doonin wixii hadda ka danbeeya dagaalo ka dhaca magaalada.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!