Madaxweyne Xassan oo ka qeyb-gali doona shir caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya

by admin | Monday, Nov 2, 2015

Muqdisho : HN :– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa lagu wadaa inuu ka qeybgali doono shir lagu marti galiyay kumanaan qof oo ay ku jiraan Hogaamiyayaasha qaarada Africa kaasi oo la filaayo inuu ka dhaco caasimadda Jesiiradda Malta ee Valletta.

Shirka oo ah mid aad u weyn ayaa waxaa lagu marti-galiyay in ka badan 4,000 oo qof oo ay ku jiraan Hoggaamiyayaal sare oo caalamka, waxaana qeyb ka ah midowga Europe kaasi oo diirada lagu saari doono Tahriibka iyo sida looga hakin karo shucuubta Afrikaanka ah.

xasan1Shirka oo ah mid  ahmiyad gaar ah u leh dowladaha Africa ayaa waxaa lagu marti galiyay wadamada sida gaarka ah uu u khuseeyo tahriibka sida Somalia iyo Suudaanta waqooyi.

Golaha Ururka Midowga Europe “The EU Council” oo Shirarkaasi qabanqaabinayo waxay ku casuumeen 9 Hoggaamiye Afrikaan oo xubin ka ahaa Shirkii Khartoum Process, waxayna kala yihiin Madaxweynayaasha Somalia, Djibouti, Kenya, Masar, Sudan, Koonfurta Sudan, Ethiopia, Tunisia iyo Eritrea.

Shirka ka furmi doona Jesiiradda Malta ayaa loogu magac-daray Baraarugii Xiisadda Muhaajiriinta ee sannadkan gaaray Qaaradda Europe.

Madaxweyne Xassan ayaa lagu wadaa in tagitaanka caasimadda Jesiiradda Malta ee Valletta kadib uu halkaasi ka jeediyo Khudbad khuseysa Soomaalida Tahriibka iyo waxyaabaha sababay.

Hiiran Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!