Madaxweyne Xassan oo si guud uga hadllay xaalada dalka Soomaaliya

by admin | Saturday, Sep 27, 2014

New York : HN :– Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si faah faahsan uga hadlay xaaladda dalka iyo hiigsiga dowladda uu hoggaamiyo.

Xasan Sheekh arrimaha uu ka hadlay waxaa ka mid ah,ammaanka Soomaaliya,maamullada gobollada khilafyada ka jira dhismahooda iyo khilafka dhinaca sohdinta badda ee Kenya iyo Soomaaliya u dhaxeeya.

Ugu horreeyn,waxaa uu ka hadlay madaxweynuhu shir gaar ah oo ka dhacay magaalada New York kaas oo looga hadlay arrimaha Soomaaliya,waxuuna sheegay in diiradda lugu saaray sidii Soomaaliya loo taageeri lahaa.

Madaxweynaha ayaa wax laga waydiiyay dhismaha maamullada dalka oo khilaf badan uu ka dhashay,balse waxuu sheegay in ayMadaxweynaha_Somalia_Xasan_baaq umuuqato horumar laga gaaray dhismaha maamullada.

Xaaladda ammaan isagoo madaxweynaha ka hadlay waxuu sheegay inay awood dhigeen kooxaha ka soo horjeeda nabadda,dadaal-na ay ugu jiraan sidii loo sugi lahaa amniga dalka.

Madaxweyne Xasan waxaa uu si cad u sheegay inay doorasho ka dhacayso dalka marka lagaaro 2016,waxaana xilliga qorshuhu yahay dalka inay ka qab-soonto doorasho ay shacabku wax soo doortan.

“Dowladda dadaal ayay ku bixnaysa,horumar ayaa nooga muqda dhismaha maamullada,ammaanka dalka waxaa uu yahay mid wanagsan waana ay awood dhigeen Al-shabaab,dalkana marka la gaaro 2016 waxaa ka dhacaysa doorasho,”ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo waraysi gaar ah siiyay BBC-da qaybteeda af-Soomaaliga.

Waxaa uu ka hadlay madaxweynaha hoosu dhaca ku yimid howlgallada lugula dagaallamayey Al-shabaab,balse waxuu tilmaamay inay ciidamadu waddaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha uu ku sheegay argagaxisada.

“Ammaan ayaan ka mudanahay,caalamka iyo dadka Soomaalidaba,waayo dalka waxaa muuqata in looga guulaystay Al-shabaab,halka waddamada kale ay ku fidayaan kooxaha argagixisada ka tirsan.”ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha waxaa uu ku dheeraday dhismaha ciidanka dowladda,caqabado badan ayuu sheegay in hortaagan-yihiin xoojinta ciidanka oo ay qaadanyso waqti badan.

Ciidanka AMISOM ayuu ku sheegay inaysan waqti badan sii joogi doonin dalka oo ay ammaanka la wareegayaan ciidamada Soomaalida kuwaas oo u xilligan dhismo ku socdo.

“Markii an isku filnaano wan fasixii doona ciidanka AMISOM,annago u mahadcelinayna,”ayuu yiri madaxweyne Xasan oo joogitanka ciidanka AMISOM ka hadlay.

Baaritaan la xiiriira xad-gudubyo lugu eedeyay ciidanka AMISOM ayuu sheegay madaxweynaha inuu socdo,Midowga Afrikana ayuu sheegay inay u gudbiyeen xad-gudubyada lugu soo oogay AMISOM.

Ugu dambayn,waxaa uu ka hadlay madaxweynaha muranka xadduuda badda ee Soomaaliya iyo Kenya,waxuuna sheegay inay socdaan dadaallo arrinta lugu xalinayo.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!