Madaxweyne Xassan Sh, oo si rasmiya xilka uga qaaday agaasimaha sirdoonka

by Yahye | Saturday, Sep 20, 2014

Muqdisho; HN;- Warqad ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in xilkii hogaanka sirdoonka looga qaaday Cabdulahi Sanbaloolshe, horey ayaa golaha wasiiradu xilka uga qaadeen, walow madaxweynuhu uu diidanaa xil ka qaadistaa hadana ugu danbeyntii wuu ogolaaday.

Waraaqda ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa sidan u qorneyd.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud markii uu arkay qodobada 90aad iyo 139 aad ee Dartuurka J.F.S, markii arkay xeer Lr yahay 14 ee soo baxay15 Febraayo 1970 kii kuna saabsanaa dhisamaha Hey’ada Sir-doonka & Nabad-Sugid Qaranka, markii uu tixgeliyey go’aankii golaha wasiirada 18/09/2014, markii uu tixgeliyey qodobka 7aad ee sharciga Lr. 1 ee 3-dii Febraayo 1965 kuna saabsanaa nidaamka xukuumadda,

Laga bilaabo maanta oo ay Taariiqdu tahay 20/09/2014 Madaxweynaha  wuxuu xilka  Agaasimaha Hey’ada Sir-doonka & Nabad-Sugid Qaranka ka qaaday Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!