Madaxweyne Xassan Sheeh Max’uud oo la hadllay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Britain

by Somali | Sunday, Feb 3, 2013 | 3 views

DSC_0551-copyLondon : HN :  Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud oo ku sugan magaalada London ee dlaka Britain ayaa xalay kulan balaaran la yeeshay Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada London.

Munaasabad siweyn loo soo agaasimay ayuu madaxweynaha dowladda Soomaaliya ka jeediyay qudbad dheer oo uu kaga warbixinayay xaalada dalka Soomaaliya ee xiligan taasoo siweyn u jiidatay dadkii tirada badnaa ee dhageysanayay.

Waxaa uu kula dardaarmay madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud dadkii uu la hadllay in ay dhowraan sharuucda iyo qawaaniinta u degsan dalka ay ku nool yihiin ee Britain simarkaa iyaga loo dhowro.

Madaxweyne Xasan Sheekh Max’uud ayaa  dhinaca Kale tilmaamay in jaaliyadda Soomaaliyeed ee Britain shacab-ka Soomaaliyeed ay ka filyaan in ay ka soo baxan dowrkooda kaga aadan dib u dhiska dalka.

‘’Maanta dalku waxaa uu u baahan yahay damiir fayow iyo dhaqdhaqaaqyo wadaninimo oo ka samata bixiya dhibaatada mudada dheer, sidaa daraadeed waxaa leydiinka baahan yahay in aad gacan ka geysataan sidii aad dalka u samatabixin laheydeen,’’ ayuu yiri madaxweynaha dadkii uu la hadllayay.

Munaasabada oo aheyd mid siweyn leyskugu soo daba-riday ayaa waxaa lagu soo bandhigay suugan, ciyaaro kala duwan ,hadallo soo dhaweyn iyo qiimeyn u badan iyadoo halkaasi ay iskula Jiibiyeen dhammaan ka soo qayb galayaasha munaasabadda Astaanta Qaranka.

Hiiraan Net.

 

 

Like it? Share it!