Madaxweyne Xassan Sheekh” Ahlu Sunna ka qeyb-gasho dhismaha maamulka gobollada dhexe

by admin | Thursday, Apr 9, 2015

Dhuusa-mareeb : HN :–Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay ururka Ahlusunna Waljamaaca in ay ka qayb-qaataan dhismaha maamulka gobollada dhexe ee Somalia, wuxuuna ka dalbaday inay qoriga dhigaan.

Waxaa uu sheegay  madaxweynaha in loo baahan yahay wax kasta oo tabanayaan Ahlu Sunna in laga dhageysto, lana soo dhaweeynyo, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dhismaha maamulkan uu yahay mid dadka oo gobolladaas dega ka dhexeeya.

“Raalli kama nihin mana ogolin colaad dhiig Soomaaliyeed ku dato, kii caasi noqda ee waantoobi waaya in wax loo sheego weeye,” ayuuMadaxweyne-Dawlada-Federaalka-Soomaaliya2 madaxweyhuhu ku yiri hadal uu jeediyay.

Madaxweynaha ayaa intaa ku darray “Walaalaha Ahlusuna sheeganaya ee wali qoriga kor u haya… ee maanta xabaddoodu ku jeedin Al-shabaab waxaa leeyahay ka waantoobaa waana idin duceynayaa in Alle idinka ka keeno inaad qoriga dhigtaan. Mana habboona in qori loo qaato qof shalay gacan ku siinayay,” ayuu hadalkiisa ku daray Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ku amaanay Ahlusunna in xili xaaladdu adkeyd ay u is-taageen inay dadka bad-baadiyaan cadowga, ayna taas u aqoonsan yihiin, wuxuuna xusay in loo baahan yahay inay kusoo biiraan walaalahooda ku jira maanta dowladda Somalia.

Ugu dambeyn, Xasan Sheekh ayaa shalay sheegay in shirka maamulka gobollada dhexe lagu dhisayo uu ka furmi doono Sabtida soo socota Cadaado, sidoo kalena ay xarunta maamulkaas noqon doonto degmada Dhuuso-mareeb.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!