Madaxweyne Xassan Sheekh” Al-Qaacida iyo Daacish waa shayaadiin isku mid ah

by admin | Wednesday, Nov 18, 2015

Dubai : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa isaga oo jooga magaalada Dubai ee dalka Isku-taga Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay in Al-Qaacida iyo IS yihiin shayaadiin isku mid ah.

Wareysi uu Madaxweynaha siiyay wakaalada wararka ee AP, isagoo ku sugan magaalMadaxweyne_Xasan_Sheekh_Maxamuud_HOLada Dubai ayuu muujiyay qatarta Al-Shabaab oo ku xiran Al-Qaacida, waxaana mar sii horeysay ay isku dayaan inay qaarijiyaan, iyadoo Shabaabka ay wali wadaan weerarada.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in dhaqaale ahaan iyo milateri ahaan la cunaqabateeyo kooxaha xagjirka ah, waxaana uu qiray inuu ogsoon yahay in qaar ka mid ah Al-Shabaab ay ku biireen Kooxda dowladda Islaamiga ee IS

“Dhamaadka natiijada waa isku mid, waa koox shayaadiin ah oo u taagan bur burin kaliya, magaca ay doonaan ha qaateen Al-Qaacida iyo Daacish”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo marar qaar adeegsanayay erayo carabi ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ficiladooda iyo fikiradahooda ay isku mid yihiin Al-Qaacida iyo Daacish, isagoo tusaale u soo qaatay in midba midka kale uu geysto weeraro arxan daro ah.

Ugu danbeyntii, Al-Shabaab ayaa beryahan waxaa dhexdooda ka dhex taagnaa khilaaf oo ku aadan ku biiritaanka Daacish, waxaana ay xir xireen dagaalyahano badan, iyadoo koox ka mid aheyd oo ku sugneyd Buuraha Galgala ay ku dhawaaqeen inay ku biireen Daacish.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!