Madaxweyne Xassan Sheekh” Al-shabaab ammniga carqalad ayeey ku tahay

by admin | Friday, Jan 23, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sh. Max’uud oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in weerarkii SYL uu ahaa mid ay Xarakada Al-shabaab ku doonayaan inay carqaladeeyaan horumarrada ay ku tallaabsatay dowladdiisa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in weerarkan uu yimid iyadoo hoteelka ay kulan ku lahaayeen wafdi Turki ah oo soo gaaray Muqdisho iyo saraakiil dowladda ka tirsan, balse aysan jirin wax khasaare ah oo gaaray.

“Ciidamada amnigu waxay xaqiijiyeen in nin oo watay abaabuur miineysan ay albaabka hoteelka ku dhufteen ayna dileen laba ilaalo ka ahaa hoteelka,” ayuu yiri madaxweyne Xasan oo booqday hoteelka. “Waxaan u dirayaan ehellada labadaas ruux ee qaraxa lagu dilay.”

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in weerarkan lagu soo beegay xilli la filayay inuu booqasho ku yimaado Muqdisho640x427x123.jpg.pagespeed.ic.A9x2PR6zSs madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, inkastoo uu baaqday maanta.

“Dhowr jeer oo hore sidaan sheegay Al-shabaab waxay rabaan inay ku beeraan carqalad amniga magaalada, balse waxaan sheegayaa inaysan ku guuleysan doonin hadafkooda,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo xusay inay aad u adkeeyeen amniga guud ee dalka.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan wuxuu ku baaqay in shacabka iyo dowladdu ay iska kaashadaan si ay uga hortagaan amni-darrada ay Al-shabaab dalka kawaddo. Wuxuuna ku baaqay inay shacabka qaybooda ka qaataan sugida amniga guud ee Muqdisho.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!