Madaxweyne Xassan Sheekh” Annaga horay uma balanqaadin doorasho qof iyo cod ah

by admin | Wednesday, Jul 29, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud ayaa ka hadlay muhiimada uu leeyahay shirka maanta ka furmay magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inuu ka xun yahay inay shirka ka maqan yihiin Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Wareysi uu Madaxweynaha siiyay laanta Afka Soomaaliya ee BBC-da ayuu ku sheegay in aanay dalka ka dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod.

“Shirkaan waxaa looga hadlayaa mudadii la soo dhaafay wixii qabsoomay, wixii qabsoomi waayay, wixii casharo laga bartaykulan-gwasiro-1

iyo mudada soo socota sida loogu gudbayo waxa la qabanayo iyo sida loo qabanayo, waa intaas muhiimada ugu weyn ee aas aaska u ah shirka”ayuu yiri Madaxweynaha.

Mar la weydiiyay Madaxweynaha in waxyaabihii uu ka hadlay ay ka mid ahaayeen in dalka aanay doorasho ka dhaceyn iyo sababta aanay ku dhaceyn in qof walba codkiisa tuurto ayuu ku jawaabay in aanay isaga dhihin dalka aanay doorasho ka dhaceyn, balse la isla gartay in doorasho hal qof iyo hal cod dalka ka dhaceyn.

“Marna ma aanan dhihi doorasho dalka kama dhaceyso waxaa la isla gartay waxay tahay hal qof iyo hal cod iyo sanaadiiq cod bixinta in meel kasta oo Soomaaliya la geeyo in aanay suurta gal aheyn, marka dadka soomaliyeed waxaa u furan fursad in laga wada hadlo oo ah waa maxay nooca doorasho ee suurta galka ah ama qaabka is bedelka ku imaan karo ee 2016 looga gudbi karo in umadda Soomaaliyeed inta ka doodo oo miiska la soo saaro la kala doorto midka ugu haboon ee suurta gelin kara in 2016 dowlad cusub oo waajibaad cusub wadata oo si wanaagsan u gudubta in la helo oo laga wada tashado maalmaha soo socda, todobaadyada soo socda iyo bilaha soo socdo”ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale mar Madaxweynaha la weydiiyay in hadii dalka ka dhici weydo doorasho qof walba codkiisa dhiibto in eedeymaha ugu weyn isaga la saarayo, maadaama uu yahay Madaxweynaha ayuu xusay in aanay marna dowladda balan qaad sameyn oo ah in doorasho hal qof iyo hal cod ka dhaceyso dalka sanadka 2016.

“Maya saas ma ahan anaga sanadkii 2013 markii hiigsiga cusub ee 2016 la sameynayay marna dowladda ajandayaasha kuma jirin balan qaad ah hal qof iyo hal cod ayaa dalka ka dhici doona ma jirin, Laakiin dowladda aan maanta Madaxweynaha ka ahay, sidii ay ku timid ee sharciyada ku heshay, dowlad caalamka aqoonsan yahay ku noqotay inaan wax ku darno horumar aan ka sii sameyno oo aan horay u socono waaye, dimoqraadiyada meesha ugu dambeyso oo la gaari karo waa hal qof iyo hal cod iyo dadka Soomaaliyeed gobol, degmo iyo tuulo in la geeyo sanaadiiqda cod bixinta waa meesha ugu dambeyso ee la gaarayo, hadii meeshaas la gaari waayo meelo kaloo badan oo noocyo kaloo lagu sii hakado la rabaa, anaga waxaa rabnaa in 2016 inaan is bedelka soo socda uu noqdo mid dadka Soomaaliyeed ay aqbaleen wada qaateen ku balameen oo aan khilaaf hor leh iyo kala qeybsanaan iyo colaad hor leh aan keeneyn oo ah nooc doorasho ah oo dalka horay ugu sii soconayo taas waaye mida dowladda ay rabto inay fududeyso”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Mar la weydiiyay inay Madaxda hada joogta inay ku fikirayaan waqti kordhin inay sameystaan, ayuu taasi ku tilmaamay in waqti kordhin meesha oolin, waxaase uu albaabada u furay in qodobada hada la isla wado ee looga gudbi karo 2016 inay qeyb ka tahay muddo kordhin haddii la isku raaco sida uu yiri.

“Waxaa rabaa inaan shacabka u sheego dowladda federaalka dhexdeeda waqti kordhin ma taalo, laakiin siyaasada 2016 looga gudbayo albaabadeeda ma oodna, dhamaan tusaalooyinka ee suurta galka oo dhan waa laga hadlayaa korosiimo waa laga yaabaa inay mid ka mid tahay, dhowr waxyaabood oo kale ayaa jira oo qodobo ah, dad badan ayaa qaba in kororsiimo la jiriyo, dad ma qabaan in doorashooyin la jiriyo, doorashada nooceeda, kuwa kororsiimada qaba nooceeda wax badan oo wali dhiman ayaa jira ma doonayo inaan ka hor dhaco illaa dadka soomaaliyeed hey’adaha dowladda, heer federaal iyo heer dowlad goboleed dhamaantood ray’yigooda ay miiska soo saaraan, midka loogu badan yahay inaan umadda ku hogaamino waaye hada mid aan leeyahay oo gaar ah oo aan ugu sii hordhacayo ma jirto”ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynaha.

“Muhiimada waxay tahay sidii aan ku nimid anaga 2012 si ka wanaagsan oo ka hormarsan inay ku timaado dowladnimada dambe ayaa rabnaa, waxaa rabaa inaan dadka soomaaliyeed u sheego marnaba ku doodi meyno dowladda federalka ah boqolkiiba boqol waa waxlba waa saxnay, laakiin waxaa ku doodeynaa oo aan ka xishooneyn aanan ku faaneyn horumar inaan sameynay meeshii aan dalka ugu nimid meel ka wanaagsan uu marayo, wax badan oo dhiman waa jiraa waana qireynaa”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Mar la weydiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh sida uu u arko ka maqnaanshaha shirka maanta ka furmay magaalada Muqdisho Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug ayuu sheegay in uusan ku faraxsaneyn maqnaashahooda, waxaana uu tilmaamay inay jirto Tabasho ay qabaan

“Maqnaashahooda kuma faraxsani, inaan ku faraxsaneyn waxaa daliil u ah juhdi badan ayaa gelinay inay nagala soo qeyb galaan waa ogtahay Ra’iisul Wasaaraha tagay Puntland iyo Jubbaland, aniga labo maalmood ka hor inaan tagay Jubbaland, gaar ahaan Kismaayo oo aan soo joogay habeen iyo maalin oo aan soo arkay mas’uuliyiinta joogtay waa jiraan waxyaabo tabashooyin ah oo ay walalaheena ay qabaan inta karaankeena waa isku daynay tabashooyinkaas inay dhamaadaan walina waa ku taaganahay tubta ah inay tabashooyinkaas inay dhamaadaan oo si saaxibtinimo inay ku dhamaadaan inay naga maqan yihiin waa na dhibee, waana ka xunahay”ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu danbeyntii, shirka Hiigsiga sanadka 2016 ayaa lagu wadaa in maalinta berri laga soo saaro war murtiyeed ku aadan marxalada la galayo iyo waxyaabaha la qabanayo mudada u haray dowladda Federaalka, iyadoo dad badan ay ka didayaan inay dhacdo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!