Madaxweyne Xassan Sheekh” Axmed Madoobe waxaa loogu yeeri karaa madaxweyne

by admin | Friday, Dec 19, 2014

Kismaayo : HN :– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud oo maalintii shalay tagay magaalada Kismaayo ayaa shir jaraa’id oo uu halkaa ku qabtay waxaa uu ku sheegay in wixii hadda ka danbeeya Axmed Madoobe loogu yeeri karo sidda uu hadalka u dhigay madaxweyne.

Waxaa uu shegay madaxweyne Xassan Sheekh in hishiiskii hore ee dhaxmaray dowladda iyo maamulka Jubba uu ahaa mid qeexayay in Axmed Madoobe loogu yeeri karo hogaamiye, hasse ahaatee waxaa uu sheegay in wixii hadda ka danbeeya hishiiskaasi uu is badallay.

“Maamullada KMG-ka ah ee dalka ka jira Jubbaland way ka mid tahay, waa maamul meel-ku-gaar ah, maadaama heshiiskii Jubbaland lagu aasaasay uu ahaa heshiis dowladda iyo maamulka ay wada-galeen, maanta marxaladihii hore waa ka soo gudbay, sidaas daraadeed magacii hoggaamiyaha ee aan heshiiska ku wada galnay, waa la bedelay, waxaana loogu yeerayaa wixii hadda ka dambeeya madaxweyne,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa siddoo kale sheegay in wixii ka dhiman maamulka Jubbaland la dhameystiri doono, isla markaana wixii kamadoxa dhiman ay wadatashi ku jiraan, ayna ku ballameen dhameystirkiisa.

Hadalka madaxweynaha ee ah in Sheekh Axmed Madoobe loogu yeero wixii hadda ka dambeeya madaxweyne ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee uu ku dhawaqo Xasan Sheekh, iyadoo aan la ogeyn qaabka xubnaha kale ay u fasiran doonaan.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda federaalka Somalia iyo maamulka KMG ah ee Jubba ayaa heshiis ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya dhammaadkii sannadkii 2013-kii.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!