Madaxweyne Xassan Sheekh” barlamaanka waxaan ka codsanayaa in ay ansixiyaan xukuumada

by admin | Friday, Feb 6, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka codsaday mudanayaasha baarlamaanka inay asnixiyaan golaha wasiirrada ee uu xalay soo dhammeystiray raysul wasaare Cumar Cabdirashiid.

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa xalay magacaabay xubo golle wasiirro oo isugu jira 26, wasiir, 26, wasiir ku-xigeenno iyo 14 wasiiro-dowlayaal,  kuwaasoo dhawaan la horgeyn doono baarlamaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in aysan wanaagsaneyn dib u dhac kale oo ku yimaada howlaha dalka, sidaa darteed ayMadaxweyne_Xasan_Sheekh_Maxamuud_HOL haboon tahay meel marinta golaha cusub.

Wuxuu kula taliyay siyaasiyiinta aan iska dhex arkin golaha wasiirrada inay taageeraan xukuumadda cusub, islamarkaana aysan macquul aheyn in dadka dhan ay ka dhex muuqdaan golaha wasiirrada.

Madaxweynaha wuxuu xusay in wadajir lagu gaari karo dowlad Soomaaliyeed oo hanata dalka, bulshadana ka haqabtirta adeegyada ay u baahan yihiin.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad casho oo xalay maamulka gobolka Banaadir uu u sameeyay Madaxda dowladda federaalka ah iyo qaar ka tirsan madaxda maamul goboleedyada dalka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!