Madaxweyne Xassan Sheekh” dal ma hormaro ilaa luuqadiisa la hormariyo

by admin | Saturday, Feb 21, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud oo ka hadlayay furitaanka munaasabadda maalinta Afka hooyo ayaa sheegay in dal uusan hor mari karin ilaa iyo in luuqadiisa la horumariyo mooyaane.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn mahadcelin u jeediyay Madaxweynaha Jabuuti wanaagga ay Soomaaliya u qabteen, isagoo xusay in shacabka aysan iloobi doonin waxyaabaha ay Soomaaliya u qbateen.

“Anigoo ku hadlaya magaca shacabka Soomaaliyeed waxaan Madaxweynaha Jabuuti leeyahay soo dhawoow, waana ku mahadsantantihiin intii aad horumariseen Afka hooyo” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda ay xoogga saari doonto horumarinta Afka Hooyo.Madaxweyne-Dawlada-Federaalka-Soomaaliya2

“Dal ma hor maro ilaa iyo luuqaddiisa mooyaane, Afka hooyo haddii aan la horumarinin wuu lumayaa, isticmaalkiisa meesha ayuu ka baxayaa, marka waxaan xoogga saareynaa sidii lagu horumarin lahaa luuqadda Afka Soomaaliga, sida caalamka ay afafkooda u horumariyeen oo kale”.ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha ayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti uga tacsiyadeeyay geeridii dhawaan ku timid Afhayeenkii baarlamaanka ee dalkaasi, isagoo xusay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay uu gacan ka geystay horumarinta afka Hooyo.

Madaxweynuhu waxa uu shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay falkii shalay lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, isagoo Alle uga baryay inta ku dhimatay in uu Janada ka waraabiyo, halka kuwa ku dhaawacmayna uu u rajeeyay in uu Alle bogsiiyo.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday dhibaatada ay shacabka ku hayaan kooxda Shabaab, isagoo xusay in dowladdu ay sii labo jibaari doonto howlgallada ka dhanka ah kooxda Shabaab.

“Shabaab dalkani dhibaato ayay u geysteen, waxaana ka mid ahayd dowlad la’aan, rafashadiii ugu dambeysay ayay ku jiraan kooxda Shabaab, dolwadduna way baabi’ineysaa inta ka dhiman ee ka hartay kooxdaasi argagixisada ah”.ayu yiri madaxweynaha.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!