Madaxweyne Xassan Sheekh” dowladda hormar ballaaran ayeey sameysay mudadii ay jirtay

by admin | Tuesday, Nov 18, 2014

Copenhagen : HN :– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa isaga oo jooga magaalada Copenhegan waxaa uu sheegay in dowladda uu hogamiyo hormar ballaaran sameysay mudadii ay jirta.

‘Soomaaliya waxay horumar ballaaran oo la taaban karo ka sameysey dhinacyo badan, oo aasaaska loo dhigay nidaamka federaalka, sharuuc badan la diyaariyey, iyo maamul wanaag lagu tallaabsaday. Sidoo kale horumarka la sameeyey waxaa ka mid ah dhanka dib u heshiisiinta, is-gaarista iyo xiriirka dowladaha deriska iyo caalamka, iyadoo hay’adaha dowligana ay noqdeen kuwo si wanaagsan u shaqeeya,” ayuu yiri Madaxweynaha isagoo ku sii jeeda Copenhagen.

Sidoo kale,waxuu sheegay Xasan Sheelh in guulo waaweyn laga sameeyey dhanka amniga iyo xasilinta oo inta badan gobollada dalka ay gacanta dowladda ku jiraan ka dib markii ciidanka Soomaalida iyo kuwa AMISOM ay Al-Shabaab ka saareen deegaanno fara badan oo ay gacanta ku hayeen.

Madaxweyne Xasan oo isagoo hadalkiisa sii wata waxuu tilmaamay dowladda oo kaashaneysa beesha caalamka in dib loo dhisay jidadMadaxweyne-Xasan-Sheekh-NEWS3 fara badan, isla markaasna lagu xiray nalalka qoraxda ku shaqeeya, waxaa la dayactiray oo la howlgeliyey xarumo caafimaad, waxaa dib loo howlgeliyey iskuuladii dowladda oo ardeyda ay lacag la’aan ku dhigtaan, waxaa dib loo dayactiray garoomaha diyaaradaha iyo dekedaha dalka, waxaa shaqo loo abuuray dhalinyaro faro badan. Arrimaha kale ee horumarka ballaaran laga sameeyey ayaa ahaa dhanka maamulka iyo maareynta maaliyadda oo maanta si cad u muuqata howlaha balllaaran ee lagu hagaajiyey maamulka iyo maareynta maaliyadda.

‘Hase yeeshee intaas kuma ekaan karno ee waa inaan sii wadnaa dadaalka la sameeyey labadii sano ee ugu danbeysey.” Ayuu yiri Madaxweynaha

“Waa inaan labada sano ee soo socota aan si deg deg ah waxqabadka u sii wadnaa oo aan mudnaanta koowaad siinaa dejinta sharuucda muhiimka ah, sameynaa guddiyada muhhimka ah iyadoo aan wadeyno wadatashiyada bulshada sidii aan u dhameystiri laheyn barnaamijka Hiigsiga 2016.” Ayuu ku soo gabogabeeyey Madaxweynaha.

Shirka ka dhacaya magaalada Copenhagen waxuu sheegay madaxweynuhu inay rajo weyn ka qaban danaha Soomaalida inay ka soo baxdo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!