Madaxweyne Xassan Sheekh goor dhaw daah furay shirka hiigsiga 2016 -ka

by admin | Wednesday, Jul 29, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa goor-dhaw furay shirweynaha Hiigsiga 2016-ka oo ka dhacaya Muqdisho, kaasoo ay ka Qayb-galayaan Xubno ka mid ah Dowladda iyo Dalalka Daneeya Arrimaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa halkaas ka jeediyay khudabadii furitaanka, isagoo shirka ay ku sugan yihiin xubno ka socdShirka_Hiigsiga_Somalia_2016-ka (1)a Beesha Caalamka, Urur-goboleedka IGAD, Ururka Midowga Afrika iyo maamul goboleedyada Dalka ka jira Qaarkood.

Dhammaan xubnaha ka Qaybg-alaya Shirkan ayaa waxay daqiiqad u istaageen dadkii ku dhintey weerarkii dhawaan lagu qaaday Hoteelka Jazeera ee Muqdisho iyo dilalkii loo geystay xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu danbeyntii shirka la fillayaa in ay hadallo ka jeediyaan mas’uuliyiin dhowr ah, waxaana shirka si Wadajir ah u Guddoominaya Madaxweyne Xasan Sheekh yo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Somalia, Danjire Kay.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!