Madaxweyne Xassan Sheekh” hala joojiyo dagaallada Deefoow [Sawirro]

by admin | Thursday, Oct 23, 2014

IMG_0196IMG_02052Beledweyne : HN :– Waxaa gallinkii danbe ee maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan wafdi ballaaran oo uu horkacayay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud.

Wafdiga madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif  ku soo dhaweeyayay mas’uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo oo uu horkacayay guddoomiyaha gobolka C/fitaax Xassan Afrax, odayaasha dhaqanka gobolka, waxgarad iyo dadweyne ka kooban qeybaha bulshada.

Madaxweynaha salaan sharaf ka qaatay cutubyo isugu jiray ciidamada dowladda iyo kuwa midowgga Africa AMISOM, waxaana intaa kaddib loo galbiyay xarunta ciidamada AMISOM oo aan wax badan ka fogeyn garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehlinayay wasiirro, xildhibaanno, safiirka dowladda Jabuuti ee u fadhiya Soomaaliya, agaasimaha hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka iyo saraakiil ciidan.

Madaxweynaha Xassan Sheekh ayaa hadal kooban u jeediyay bulshadii uu kula kulmay xerada ciidammada AMISOM oo ammniga siweyn loo adkeeyay.

IMG_0203Mdaxweynaha ayaa khudbadiis diirada ku saaray dagaallada soo noq-noqday ee deegaanka Deefoow, isaga oo ku baaqay in dagaalladaas si deg deg ah loo joojiyo.

‘’Waxaa dalbanaya in dagaalladaas sidda ugu dhaqsiyaha badan loo soo afjaro, hadda kaddib ma jiro wasiir iyo xildhibaan idin iman doono, anniga ayaa arrinta si gaar ah ula socon doona ayuu yiri,’’ madaxweyne Xassan Sheekh.

Dhinaca kale waxaa jiray kulan gaar ah oo ay wadda qaateen wafdiga madaxweynaha iyo odayaasha dhaqanka oo si hoos leysugu xog-wareystay mana jirin cid warbaahinta faah faahin ka siisay kulanka.

Laakiin warar si hoos aynu ku helnay ayaa sheegaya in madaxweynaha odayaasha dhaqanka ka wadda hadalleen dagaallada Deefoow iyo shaqaaqadii dhawaan ka dhacday magaalada Beledweyne ee looga soo horjeeday ciidammada Jabuuti.

58Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!