Madaxweyne Xassan Sheekh” hormarka wuu soconayaa mudnaanta waa hiigsiga 2016

by admin | Saturday, Nov 22, 2014

Muqdisho : HN :– Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa shalay ku soo laabtay Muqdisho kadib markii ay ka qeyb galeen shirkii Heerka Sare oo lagu qabtay caasimada Copenhagen ee dalka Denmark.

Madaxweynaha ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu faah faahin kaga bixiyay shirkaas iyo waxyaabihii ay kala soo kulantay dowladda Soomaaliya.

“Waa in aan dib u jaleecnaa shirkii labada maalmood oo si cad loogu qeexay horumarka ballaaran ee aan ka sameynay howlihii New Deal iyo Somali Compact, waana inaan ogaanaa caqabadaha jira oo aan si wadajir ah uga hadalnaa sidii aan aan u dhameystiri laheyn inta harsan annagoo kaashaneyna beesha caalamka”ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay dowladda Denmarka oo shirka marti gelisay iyo QM oo shirka ay wada gudomiyeen inay aad u dhiira geliyeen, waxaana uu sidoo kale u mahadceliyay wafuudii 59-ka dal ka socotay

“Waxaan u mahadcelinayaa Dowladda Denmark oo shirka martigelisay iyo QM oo aan shirka wada shir-guddoomineynay. doodihii shirka aad bey ii dhiirigeliyeen. waxaana u mahadcelinayaa wafuudii 59ka dal ka kala timid oo CopenhagenMadaxweynaha_Soomaaliya_Dagaallo_1 nagala soo qeybgashay shirka oo na tusay sida ay uga go’antahay taageerada Somali Compact”ayuu yiri madaxweyne Xassan Sheekh

Sidoo kale Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa yiri “Howlo fara badan baa na wada horyaalla. Horumarka siyaasada wuu sii soconayaa, oo aan dardar cusub sii gelineynaa. Weli waxaa na horyaalla howlo fara badan oo nooga baahan inaan dhameystirno iyo kuwo kale ee soo baxaba”

“Sanadka soo socda, Dowladda Federaalka waxey ahmiyad iyo mudnaan gaar ah siineysaa howlaha muhiimka ah ee noo sahlaaya inaan ahmiyadaha siyaasadeed eek u qeexan Hiigsiga 2016ka, sida Dib u eegista dastuurka iyo ansixintiisa, nidaamka Federaalka iyo doorashooyinka sida dimoqraadiyada ah u dhici doona. Xukuumadda iyo Baarlamaanka waxey diirada saari doonaan bilaha soo socda sidii loo xaqiijin lahaa inaysan dhicin daahis, oo ay hubinayaan dhismaha hay’adaha muhiimka ah iyo nidaamyada lagu xaqiijinayo in laga gun gaaro dhaqangelinta hiigsiga 2016 taasoo wadada u sii xaareysa sidii loo heli lahaa nabad waarta, xasilinooni iyo dib u heshiisiin”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha ayaa sidoo kale yiri “In waddanka laga xorreeyo argagaxisada waa muhiim, iyo in la hubiyo qorshaha xasilinta ee socda inuu dhalo xoriyad waxey muhiim u tahay in shacabku ay dareemaan dowladnimada, iyo in maamulo haggaagsan ay ka dhashaan dhammaan degaanada dalka.

Horumarka socda waa mid ka yimid guulaha amniga iyo xasilinta oo noo keenaya faa’iidooyin fog-fog oo waqti dheer leh, isla markaasna uu shacabku ka dareemi doono dhammaan dalka oo dhan.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay inuu aaminsan yahay taageerada AMISOM iyo wada shaqeynta ciidanka Soomaaliyeed inay fure u tahay amniga iyo nabadeynta Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyey saaxiibada Soomaaliya ee isagu yimid kulanka Copenhagen, isla markaasna si gaar ah uga mahadceliyey taageeradooda dhaqaale iyo mid farsamo, wuxuuna Madaxweynaha soo dhoweeyey sida ay uga walwalayaan mustaqbalka Soomaaliya.

“Walow aan mararka qaarkood ku kala argti duwanahay waxyaalaha yaryarka ah, haddana waxaa dhab ah inaan dhammaanteen isku raacsanahay waxyaalaha waaweyn oo lafdhabarka u ahaa shirkan, sida in guusha Soomaaliya lagu cabirayo sida ay isku bedesho nolosha shaqsiga Soomaaliyeed”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweynaha.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa yiri “anigoo ku hadlaya magaca Shacabka Soomaaliyeed, Waxaan sii xoojinayaa inaan doorano nabadda. Waxaa xoojineynaa in wadada aan dooranay ay tahay Dib u heshiisiinta – waxaana lagu gaarayaa si wadahadal, siyaasada oo laga wada qeybqaato, inaan caddeyno mas’uuliyadeena iyo howlaha naloo igmay, iyadoo ay naga go’antahay inaan howlaha mudnaanta noo leh aan ku dhameyno waqtigooda, iyo inaan isku aragti ka ahaano hiigsiga Soomaaliya waxa ay noqon doonto mustaqbalka.

 Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!