Madaxweyne Xassan Sheekh” inta badan dalka dowladda ayaa gacanta ku heysa

by admin | Saturday, Jan 31, 2015

Muqdisho : HN :– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa sheegay in dowladda uu hogaamiyo hormar weyn ka gaartay dagaalka ay kula jirto al-Shabaab,sida waxaa sheegtay wakaaladda wararka Anadolu ee dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa sheegay inta badan dalka inay maamusho dowladda dhexe,waa goobihii ay al-Shabaab ka talin-jireen,waxuuna inta ku daray in ciidamada dowladda ay gacanta ku dhigeen meelo badan kuwaasoo horay ay u maamuli jirtay al-Shabaab.

“Dagaalka al-Shabaab ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM waxaan ka gaarnay horumar muuqda,Waxaana dowladu ay ka talisa deegaanno badan oo dalka ah. Iyadoo Al-shabaab meelo aad u kooban ay haatan ku sugan yihiin,” ayuu yiri madaxweyne Xasan isagoo waraysi siinayay wakaaladda Anadolu.

Waxuu sheegay in nabad-qalyadu ay gaarayso dhul badan oo dalka ah,maadaama uu sheegay xilligan inuu dhammaaday waqtii ay al-Shabaab kaMadaxweynaha talin-jireen qaybo ka mid ah dalka.

Al-shabaab ayaa dhankeeda sii wada weerarrada ay ka geysanayso goobaha ay dowladdu ka taliso oo ay Muqdisho ku jirto, kuwaasoo beegsanaya goobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xarumaha dowladda iyo hoteellada Muqdisho ee ay ku sugan yihiin madaxda dowladda iyo wufuudda caalamiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku tilmaamay boqoashadii wafdigii uu hoggaaminayay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ay ku yimaadeen Muqdisho mid taariikhi ah.

“Turkigu waa walaalo muhiim u ah Soomaaliya,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo intas raaciyay. “Waxaan soo dhaweynayaa dadaalka madaxweynaha ee ku aaddan caawinta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.”

Ugu dambeyn, Xasan wuxuu sheegay in xiriirka Turkiga iyo Somalia uu yahay mid horay u socda, ayna iska kaashanayaan labada waddan dhinacyo badan oo ay horumarinta dalka ku jirto.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!