Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Axmed Siilaanyo oo Jabuuti ku kulmaya

by admin | Saturday, Dec 20, 2014

Djabuuti : HN :– Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle ayaa si wada jir ah ugu yeeray madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya,Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Soomaaliland Axmed Siilaanyo.

Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa martiqaad rasmi ah u fidiyay labada mas’uul lamana sheegin sababta keentay inuu si wada jir ah ugu yeero,waxaana Muqdisho iyo Hargeysa goor dhaweyd ka dhoofay Xasan iyo Siilaanyo.

“Labada madaxweyne ayuu martiiqad u fidiyay,ma sheegi karo sababta keentay,balse waxay ajiibeen waxaana lugu wadaa goor dhow inay soo gaaran Jabuuti,”ayuu yiri sarkaal ka tirsan safaaradda Jabuuti ay ku leedahay Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh oo ka qayb-galay maanta munaasabad ciidanka booliska Soomaaliyeed aas aaskoodi lugu xusay ayaa markii uu salaan ka qaatay ciidanka waxaa uu si dhaqso ah u aaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho halkaas oo u ka dhoofay gor dhow.

Warka ka soo baxay Soomaaliland waxaa lugu xaqiijiyay madaxweyne Siilaanyo inuu dalka Jabuuti kula kulmi doono maaxweynaha faderaalka Soomaaliya.

“Madaxweynaha Somaliland ayaa Maanta u duulay Dalkaynu Deriska iyo Walaaltinimadu inaga dhaxayso eeSiilaanyojbau Jabuuti,Halkaasi oo Madaxweynuhu uu kulan kula yeelan doono Madaxweynaha Dawlada Soomaaliya,”sida waxaa lugu sheegay war kooban oo ka soo baxay xarunta madaxtooyada Soomaaliland.

Waa markii ugu horreeysay oo madaxweynaha Soomaaliland iyo madaxweynaha Faderaalka Soomaaliya ay ku shiraan magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti.

Arrintaan waxaa ay ku soo aadaysa xilli uu dhowr mar hakad galay wada-hadallo Soomaaliland iyo faderaalka ugu socday dalka Turkiga.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!