Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Boqorka Saudi Arabia oo ka wada hadlay xiriirka labadal

by admin | Wednesday, Oct 28, 2015

Riyadh : HN :–Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Riyadh kulan kula yeeshay Boqorka dalka Boqortooyada Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcaziiz Al Sacuud.

Madaxweynaha oo soo dhoweyn aad u sareysa loogu sameeyey Riyadh, iyo Boqorka ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dal, dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo arrimo kale oo la xiriira taageerada ay Soomaaliya u baahan tahay ee dhinaca dib u dhiska.

212Labada dhinac ayaa isku afgartey dhammaan qodobada ay ka wada hadleen, sidda ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha ku wehlisa madaxweynaha safarkiisa.

Madaxweyne Xassan Sheekh waxaa safarkiisa ku wehlinaya wasiirka arrimaha dibada,, Cabdisalaam Hadliye Cumar, Wasiirka Maaliyadda, Maxamed Aadan Ibraahim, Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir, Taliyaha Nabadsugidda Qaranka, S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare iyo mas’uuliyiin kale.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!