Madaxweyne Xassan Sheekh iyo madaxda maamul gobolleedyada oo ku wadda sugan Kismaayo

by admin | Saturday, Sep 12, 2015

Kismaayo : HN :– Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, xilligan ku wadda sugan madaxweynaha dowladda Soomaliya iyo dhamaan madaxda dowlad gobolleedyada oo halkaa uga qeyb-galaya munaasabada caleemo saarka madaxweyne Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud, ra’iisal wasaare Cumar Cabdi Rashiid, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ShariifAxmed-Madoobe1 Xasan Sheekh Aadan, madaxwenaha Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed, wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya iyo Xildhibaano ayaa ka qeyb galaya munaasabada caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland.

Waxaa sidoo kale maanta gaaray magaalada Kismaayo Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Itoobiya Thedros Adhonom, wakiilka qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Kay, safiirka Turkiga ee Soomaaliya Bekar Olgan, hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale, Madaxweynaha Puntikand.

Waxaa xiligan Kismaayo kasocota munaasabada caleemo saarka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe, waxaana la filayaa in Munaasabada goordhaw ku biiraan Kismaayana gaaraan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xubno kale oo Dowlada katirsan.

Hiiraan net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!