Madaxweyne Xassan Sheekh iyo ra’iisal wasaaraha cusub oo ku sugan xarunta baarlamaanka

by admin | Wednesday, Dec 24, 2014

Muqdisho : HN :– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’ud iyo ra’iisal wasaaraha uu dhawaan magacaabay Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa goor dhaw gaaray xarunta gollaha shacabka.

Fadhiga baarlamaanka ayaa furmay,waxaana la sheegay in xildhibaanno gaaraya 217 xildhibaan ay ku sugan-yihiin xarunta golaha shacabka oo ay baarlamanka ku shirayaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya,Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa furay kulanka, waxaana uumadaxweyncusmarra sheegay in ajandaha maanta baarlamaanka in uu yahay xildhibaannada oo codka kalsoonida u qaaday ra’iisal wasaaraha cusub i uu su oo dhiso xukuumad.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lgau wadaa inta aan codka loo qaadin in uu la hadlo xildhibaannada si uu ugu sharraxo waxqabadka xukuumadda uu soo dhiso doono iyo howlaha ay qaban doonto muddada ay xafiiska joogto.

Cumar C/rashiid oo markii labaad xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya loo magacaabay tan iyo markii dhacday xukuumaddii milateriga ahayd ayaa waxaa 17-kii bishan xilka u magacaabay markii labaad madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay inuu ku kalsoon yahay inuu yahay qof ay wada-shaqeyn karaan.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonaa….

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!