Madaxweyne Xassan Sheekh iyo ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo isku fahmi la gollaha wasiirrada

by admin | Monday, Jan 5, 2015

Muqdisho : HN :– Durbaba xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya waxaa laga soo sheegayaa khilaaf cusub oo soo kala dhax-gallay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo ku saleysan habka dhismaha gollaha wasiirrada xukuumada cusub.

Cumar C/rashiid oo u muuqday shaqsi u jil jilcan madaxweynaha ka hor intaa la soo magacaabi, ayaa la leeyahay markii uu hellay kalsoonida baarlamaanka waxaa uu bilaabay in uu madaxweynaha ka madax adeyggo, isag oo ka soo horjeedsatay magacyada xubno golle wasiirro ah oo madaxweynaha uu u soo gudbiyay.

Shirar aan loo kala kicin ilaa xiliyada danbe ee habeenkii oo lagu gorfeynayo magacaabista xubnaha gollaha wasiirradaCumaxasnakhil, hasse ahaatee shirarkaa inta badan waxaa la sheegaa in ay noqdaan kuwo ku soo dhamaada waxba kama jiraan.

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo la fillayay in uu soo magacaabo xubnaha gollaha wasiirada labadii cisho ee ugu horeysay bishan Janaayo, ayaan ilaa iyo hadda soo saarin liiska xubnaha ka mid noqonaya gollihiisa wasiirrada, waxaana la leeyahay taa waxaa ugu wacan khilaafka kala dhaxeeya madaxweynaha oo si gaar ah u daneynaya in gollaha wasiirrada lagu soo darro xubno horay uga tirsanaa xukuumadii Cabdiwali iyo xukuumadihii ka horeeyay  oo isaga saaxiib dhaw la ah.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa dhinaca kala la leeyahay waxaa uu ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ku war-galiyay in sidda ugu dhaqsiyaha badan uu xukuumada u soo dhiso si loo dardar-galiyo howlaha dhiman.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!