Madaxweyne Xassan Sheekh iyo ra’iisal wasaare C/wali oo kulan la leh wafuud caalami ah

by admin | Sunday, Nov 9, 2014

Muqdisho : HN :– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo ra’iisal wasaare C/wali ayaa xiligan kulan adag kula leh magaalada Muqdisho wafdi ka socda beesha calaamka si cadaadis loogu saaro labada mas’uul in ay sidda ugu dhaqsiyaha badan u soo afjaraan khilaafka u dhaxeeya.

Xubnaha wafdiga beesha caalamka waxaa ka mid ah wakiilka gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan arrimaha Somaliya ayaa ka mid ah wafdiga ka socda Mareykanka ee la kulmayaan madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, inkastoo aan la ogeyn qodobbada kulankaan looga hadlayo.

Dadaallo lagu xallinayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisal wasaarihiisa ayaa Muqdisho ka socda, iyadoolabadooda cadaadisyada ay ku doonayso beesha caalamka inay xiisaddan ku qaboojiso uu isaguna meel aad u sarreysa marayo, waxaana Muqdisho soo gaaray wufuud ka socda dalalka ku yaalla Qaaradda Yurub, si ay khilaafka u dhexgalaan.

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ayaa sheegay inay xildhibaannadii mooshinka ka keenay ra’iisul wasaaraha isku afgarteen in la hakiyo mooshinka inta dadaalka la doonayo in lagu xalliyo khilaafka madaxda sare ee dowladda.

Dhanka kale, khilaafkan ayaa hakad ku keenay howlihii dowladda Somalia, iyadoo horay ay beesha caalamku uga digtay in khilaafka uu saameyn weyn ku yeelan karo howlaha dowladda iyo horumarradii la gaaray.

Khilaafkan ayaa sababay inay laba garab u kala jabaan xildhibaannada oo qayb ka mid ah ay taageersan tahay madaxweynaha, halka qaybta kalena ay taageersan tahay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!