Madaxweyne Xassan Sheekh iyo wafdi uu hogaaminayo oo u dhoofay Copenhagen

by admin | Monday, Nov 17, 2014

Muqdisho : HN :– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa barqanimadii maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyaga oo ku sii jeeda dalka Denmark halkaasoo ay kaga qeyb-galli doonaan shirka Copenhagen ee looga hadllayo arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ay safarkiisa ku wehliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirrada ayaa lagu wadaa iney ka qeyb galaan shira ka furmi doona dalka Denimark 19-ka bishan, kaasoo looga hadlayo arrimo ku saabsan horumarka dalka.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay dowlada Denmark ayaa waxaa shir gudoomin doona madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoomadaxweynaha-safar shirka ay ka qeybgalayaan wadamada deeq bixiyaasha ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya qaarkood.

Shirkan oo sidoo kale qorshihiisu yahay in Somalia loogu ururiyo deeq malaayiin Dollar gaareysa ayaa ku soo aadaya xili khilaafkii ugu xumaa uu ka dhex aloosan yahay madaxweynaha iyo raisul wasaaraha dalka.

Dowlada Maraykanka oo ka mid ah dalalka dhaqaakaha badan ku bixiya arrimaha Somalia ayaa qaadacday shirkaas sababo la xiriira khilaafka madaxda dowlada u dhexeeya, waxaana khilaafkan uu sidoo kale sababay inuu hoos u dhaco hankie loo qabay shirkan.

 Hiiraan Net.
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!