Madaxweyne Xassan Sheekh iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray Kismaayo

by admin | Sunday, Jul 26, 2015

Kismaayo : HN :–Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Jubadda Hoose.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa ku soo dhoweeyay magaalada Kismaayo Mas’uuliyiinta sare ee Maamulka Jubbaland oo uu ka mid ahaa Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.xasan-iyo-madoobe

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu caawa ku hoyanayo Kismaayo, waxaana uu goor dhow kaga qeyb galay Munaasabad Tababar loogu soo xirayay illaa 1,350 askari oo ah ciidamo la isku dhafay oo laga keenay Gobollada dalka.

Munaasabada ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa wakiilada Itoobiya, IGAD, Midowga Yurub, AMISOM iyo dowladda Ingiriiska, kuwaasoo gacan ka geysanaya isku dhafka ciidamada Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Jen Daahir Aadan Cilmi “Indho Qarshe” ayaa sheegay in ay Saldhigga sadaxaad ee Ciidamadda Xoogga dalka ee magaalada kismaayo ay qayb weyn ka qaadan doonto isku dhafka ciidamadda Dowlad Gobolleedyada oo lagu Tababari Doono Xeradan, si looga adkaado Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabduqadir sheekh Cali Diini ayaa sheegay in ciidamadda Qaranka lagu biirin Doono Ciidanka Dowlad Gobolleedyada dalka ka jira islamarkaana la tababari doono ciidamaddaas , isagoo sheegay in Wasaaradda Gaashaandhigga ay ka shaqayn doonto isku Dhafka Ciidamadaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay muhiim tahay in la helo ciidamo isku dhaf ah, si ay ula wareegaan ammaanka dalka, waxaana uu sheegay in qorshaha isku dhafka ciidamada uu yahay mid ka qeyb qaadanaya dhismaha ciidan awood leh oo dalku yeesho.

Madaxweynaha ayaa inta uu jooga magaalada Kismaayo waxaa uu kulamo gaar ah la qaaday doonaan madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Madoobe oo horay u sheegay in maamulkiisu xiriirka u jaray dowladda dhexe.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!