Madaxweyne Xassan Sheekh iyo wafdigii uu hogaaminayay oo dib ugu laabtay Muqdisho

by admin | Saturday, May 2, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahan ku sugnaa magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa gellinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa kaga qayb-galay magaalada Garoowe Wajigii labaad ee shirkii Madasha Wada-tashiga ee dowladda federaalka Somalia iyo maamul-goboleedyada dalka ka jira qaarkood.

Shirkan oo ay ka qayb-galeen madaxda maamullada Puntland, Jubba iyo Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa looga hadlay qodobbo ayWafdigii_Madaxweyne_Xasan_Muqdisho ka mid yihiin Hiigsiga 2016-ka, cahdiga cusub, dhismaha iyo isku-dhafka ciidamada dalka, qaybsiga kheyraadka iyo sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya, Yemen iyo kuwa kale ee Caalamka.

Madaxdii ka qaybgalay shirka ayaa maanta soo saaray war-murtiyeed ka kooban toddoba qodob oo mustaqbalka Soomaaliya la xiriira, sida amniga iyo dhismaha maamullada dhiman ee gobollada dalka.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigiisa oo Shan Maalmood ku maqnaa Garoowe ayaa waxaa garoonka diyaaradaka Muqdisho kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!