Madaxweyne Xassan Sheekh iyo wakiilada beesha caalamka oo ku shiray Muqdisho

by admin | Monday, Dec 8, 2014

Muqdisho : HN :– Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya,Xassan Sheekh Max’uud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjirayaasha dowladaha iyo ururada caalamka u jooga Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud oo kulanka shir guddoominayay ayeey is dhafsadeen wakiilada beesha caalamka wadashaqeynta dowladda federaalka ah iyo beesha caalamka iyo kordhinta taageerada caalamka ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta kulanka ka qeybgalay iyo madaxweynaha ayaa is dhaafsaday talooyin ku aadan xaaladda wadanka gaar ahaan arrimaha amaanka,horumarinta iyo dhanka bani’aadanimada iyadoo ay si weyn usoo dhaweeyeen safiirada kulanka ka qeybgalay khudbadda madaxweynaha ee kulanka.

Agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya mudane Cali Cumar (Cali Balcad) ayaa kulanka kadib sheegay in isku fikir laga ahaa guudXasancal ahaan qodobada laga hadlay isagoo kulankan ku tilmaamay is xog wareysi madaxweynaha iyo safiirada dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa kaqeybgalay dhanka Soomaaliya madaxweynaha jamhuuriyadda Xassan Sheekh Maxamuud.

Agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya Cali Cumar (Cali Balcad)iyo la taliyeyaasha madaxweynaha ee arrimaha amniga iyo siyaasadda iyadoo ay dhanka diplomaasiyiinta goobjoog ka ahaayeen,

Wakiilka Qaramada midoobey ee Soomaaliya Noclos key,danjireyaasha midowga Yurub,Turkey,Emarate,Sweden iyo wadamo kale waxaana uu kusoo dhamaaday si guul ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!