Madaxweyne Xassan Sheekh iyo wakiilka Mareykanka ee Soomaaliya oo kulan yeeshay

by wadani | Monday, Dec 7, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay wakiilka dowladda Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya, David H. Kaeuper.

Madaxweynaha ayaa danjiraha uga warbixiyey horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

unnamed7-620x264Danjire Kaeuper, ayaa isna dhinaciisa soo dhoweeyay dadaalka dib u heshiisiinta iyo wadatashiyada dhinaca siyaasadda ee dalka ka socda ee ku qotoma arrimaha Hiigsiga 2016-ka.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa isku afgartey in Soomaaliya laga taageero dhameystirka barnaamijyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha, si waddanka uu u sameeyo dib u soo kabasho buuxda.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!