Madaxweyne Xassan Sheekh iyo xildhibaanno ka shiray arrinta khilaafka

by admin | Wednesday, Nov 5, 2014

Muqdisho : HN :– Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xassan Sheekh ayaa saacadihii ugu danbeeyay la sheegayaa in uu mashquul ku ahaa siddii uu xildhibaano dheeraad ah ugu heli lahaa mooshinka la sheegay in la doonayo in lagu rido ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Max’ed.

Madaxweynaha ayaa lagu waramaya in uu xafiiskiisa kula kulmay xildhibaanno sidda la sheegay ka soo jeeda deegaannada Puntland oo ayMadaxweyne-Xasan-Sheekh-NEWS3 ka wadda hadlleen khilaafka jira iyo siddii ay madaxweynaha ugala shaqeyn lahaayeen mooshinka la doonayo in laga geeyo xukuumada hadda jirta gollaha baarlamaanka.

Tallaabooyinka socda iyo shirarka aan kala joogsiga laheyn ee ka kala soconaya xafiiska madaxweynaha iyo kan ra’iisal wasaaraha ayaa xaalka uga sii darraya, waxaana xusid mudan in horeyba beesha calaamku u sheegeen in ay jiraan xildhibaanno la laaluushayo si meesha looga saaro xukuumada uu hogaamiyo C/wali.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaase ku wargaliyay beesha calaamka in ay faraha kala baxdo arrimaha siyaasada Soomaaliya waxaana uu sheegay in khilaafka uu jira uu noqon doono mid lagu dhax xaliyo hay’addaha dastuurka ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!