Madaxweyne Xassan Sheekh” Khilaaf kasta oo jira waxaa naga go’an in aan ku dhameynayo wadda hadal

by admin | Monday, Jun 8, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreeysay ka hadlay go’aanka ay Jubbaland xiriirka ugu jartay dowladda dhexe,waxuuna tilmaamay in loo bahan-yahay xallinta waxii uu tabanayo maamulka.

Baarlamaanka faderaalka Soomaaliya ayaa maalin ka hor sheegay in uu sharci darro yahay baarlamaanka dowlad-gobolleedka Jubbaland,waxuuna go’aanka dhaliyay maamulka inuu joojiyay wada-shaqeyntii kala dhexeysay dowladda dhexe.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa caddeeyay inay ku wajahayaan go’aanka Jubbaland wada-hadal si xal looga gaaroMadaxweyne-Dawlada-Federaalka-Soomaaliya2 wax-walba oo tabasho ah,waxaana la raaci doona dastuurka waxa uu dhigayo.

“Aniga iyo mas’uuliyiinka kale ee dowladda iyo baarlamanka waxaan isku aragti ka nahay dardar gelinta hawlaha dib u heshiisiinta iyo fulinta barnaamijyada la xiriira Hiigsiga 2016. Dhismaha maamullada waa qeyb muhiim ah oo ka mid ah dib u soo kabashada dalkeena, caqabad walba oo la soo gudboonaatana waxaa naga go’an in wadahadal lagu dhammeeyo, isla markana dib u heshiisiintu ay sal u noqoto mustaqbalka soo socda ee Soomaaliya’’, ayuu lugu yiri qoraal ka soo baxay madaxweynaha.

Xasan waxuu ugu baaqay guddigii dhawaan xukuumadda u magacawdey xalinta tabashooyinkii ka dhashey dhismaha baarlamanka maamulka Jubbaland inay dardar geliyaan hawshooda.

Madaxweynaha waxuu inta ku daray in isaga iyo ra’iisul wasaare,Cumar Cabdirashiid Cumar Sharma’arke ay horey maamulka Jubbaland uga wada-hadleen xallinta tabashooyinka jira, la iskuna afgartey dhismaha guddi heer wasiirro ah, si ay u guda galaan qaabka ugu wanaagsan ee beelaha wada dega Jubbooyinka loo qancin lahaa.

Maxamuud waxuu sheegay in loo bahan-tahay isku tanaasul iyo wadahadal si loo unko mustaqbal cusub oo ka duwan kii hore,maaddama uu sheegay in dalka uu yahay mid ka soo kabanaya colaado sokeeye.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lugu dhaliilay go’aanka ka soo baxay oo ay ku diideen qabka loo dhisay baarlamaanka cusub ee Jubbaland.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!