Madaxweyne Xassan Sheekh” ma jirto isku shaandheyn lagu sameynayo gollaha wasiirrada

by admin | Saturday, Jun 13, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in isku shaandheyn lagu sameynayo Xukuumadda Soomaaliya, isagoo ka dhawaajiyay, Wasiirkii, Wasiir kuxigeenkii ama Wasiiru dowlihii shaqadiisa qabsan waayo la bedelayo.

Madaxweyne Xassan oo shalay galinkii danbe shir jaraa’id ku qabtay madaxtooyada ayaa sheegay in arrintan ay tahay mid lagu mashquulinayo shacabka, waxaana uu xusay in aanay jirin is bedel ama isku shaandheyn midna lagu sameyn doono Xukuumadda.

“Beryahan waxaa badatay in la qal qal geliyo hey’adaha dowlada, xukuumada isku shaandheyn la sameynayaa, madaxweynaha baarlamaanka kala dirayaa, waxaas waa dhib, dhamaan waxaa laga shaqyenaya dadka in la mashquuliyo, madaxda la mashquuliyo”ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Waxaa uu sheegay in Xukuumadda sideeda u jireyso, oo ay shaqeyneyso, isla markaana Baarlamaankana uu jirayo, waxaana uu xusayMadaxweynaha-300x2251 in arrinta ku saabsan warka isku shaandheynta la isla dhex marayay inuu ka sheegay kulankii Golaha Wasiirada ee khamiistii.

“Baarlamaanka wuxuu leeyahay waqti, wuxuuna gaari doonaa waqtigiisa, ma jirto cid kala direysa iyo sabab loo kala diri karo, inaga oo dhan waxaa rabnaa inaan dalka gaarsiino halka aan awoodno, waqtigii naga lumay ayaa dib u dhac noogu filan”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa yiri “Wasiirkii shaqadiisa qabsan waayay, waa la diraa, meesha waa laga wareejinayaa, wasiir dowlihii iyo wasiir kuxigeenkii isna shaqada qabsan waayo waa la bedelayaa, waxaa la keenayaa Wasiir kale oo shaqadiisa qabsan kara oo muwaadin ah laakiin xukuumad la kala bedelayo, oo la bur burinayo iyo wax la mid ah midna ma jiraan”

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay muranka ka taagan dhismaha Baarlamaanka Jubba, kaasoo todobaadkii Baarlamaanka Federaalka uu u ansixiyay mooshinka laga keenay oo uu sharci darro ka dhigay, waxaana uu xusay in arrimahan dhowaan la dhameyn doono, xalna laga gaari doono, isagoo soo hadal qaaday safarkii Ra’iisul Wasaaraha ku tagay Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu kaloo ka hadlay arrimaha maamul u sameynta, waxaana uu xusay in maamulada dhismaya ay la mid yihiin, sidii dhalaan soo koraya oo kale, isla markaana ay meel wanaagsan marayaan howlaha maamul u sameynta inta hartay.

Hadalkan ka soo yeeray Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya inuu socdo qorshe isku shaandheyn loogu sameynayo Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!