Madaxweyne Xassan Sheekh” Muqdisho waxaa ku shiraya sanadkan madaxweynayaasha IGAD

by admin | Saturday, Jan 10, 2015

Muqdisho : HN :– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud oo warfidiyeenka kula hadllayay xarunta madaxtooyada Villa Soomaalya, ayaa sheegay in Soomaaliya ku tallaabstay guul wax ku ool ah, kaddib markii ay mudo 20 sano ka badan kaddib marti-galisay shirka urur gobolleedka IGAD oo heer wasiirro arrimo dibadeed ah.

“Soomaaliya waxa ay ka midtahay wadamadii aas aasay Urur Goboleedka IGAD, runtii shirka Wasiirada Arrimaha dibadda ee Soomaaliya ay martigeliso waxa ay u tahay sharaf weyn, waxaan shacabka uga mahadcelinayaa qabsoomidda shirka, ciidanka amniga iyo kuwa AMISOM waxa ay suurta geliyeen shir heerkan oo kale ah lagu qabto Muqdisho, Codowga waxa uu isku dayayay in uu carqaladeeyo shirka, laakiin ciidamadeena waa ay ka hortageen” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in amniga Soomaaliya ay tahay mid la isku haleyn karo, waxaana uu intaa ku640x427x251.jpg.pagespeed.ic._Rw2qNGPsG daray in dhamaadka sanadkan ay Muqdisho shir kuyeelan doonaan Madaxweyneyaasha Urur Goboleedka IGAD, taasi oo ah talaabo horumar ah oo xagga amniga ay ku talaabsatay dowladda.

“Shirka Wasiirada Arrimaha dibadda waxaan soo jeediyay oo la aqbalay in Madaxweynayaasha Urur Goboleedka IGAD ay yimaadaan dalka oo ay ku qabsadaan shirkooda caadiga ah, sida ay u yimaadeen Wasiirada Arrimaha dibadda ayay Madaxweynayaasha IGAD u imaan doonaan” ayuu hadalkiisa ku daray Mudane Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sdioo kale shirkiisa jaraaid kaga codsaday shacabka iyo madaxda kale ee Qaranka inay muujiyaan dulqaad, isla markaana la dhiirigelinayo horumarka uu dalka ku talaabsanayo, lagana hortago waxkasta oo carqaladeyn kara dowladnimada.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!