Madaxweyne Xassan Sheekh” nasiib darro ayuu ahaa weerarkii lagu qaaday saldhiga Xalane

by admin | Saturday, Dec 27, 2014

Muqdisho : HN :– Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Somaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si kulul u cambaareeyay weerar shalay lagu qaaday goob ka tirsan Xarunta ciidammada AMISOM ee magaaladan Muqdisho.

Madaxweynuhu wuxuu ku tilmaamay wax laga xumaado in la weeraro dad u soo gurmaday in ay gacan ka geystaanMadaxweyne-Xasan-Sh-Max1 nabadeynta dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu tacsi u diray qoysaskii dadkii ku naf waayay weerarka, wuxuuna sheegay in aan ummadda Soomaaliyeed illoobi doonin.Madaxweynuhu wuxuu tacsi taa la mid ah u diray Madaxda iyo shucuubta dalalka ay u dhasheen dadkii ku dhintay weerarka.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!