Madaxweyne Xassan Sheekh odayaasha gobolka Hiiraan oo is afgartay

by wadani | Wednesday, Dec 23, 2015

Beledweyne : HN :–Kaddib kulamo is daba joog ah oo labadii cisho ee la soo dhaafay magaalada Beledweyne uga socday madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa ugu danbeyntii leysku afgartay in shirka dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan & Sh/dhexe ka furmo maaalada Jowhar.

Kulamada oo intooda badan ahaa kuwo adag oo leysku weydaarsaday aragtiyo kala duwan ayaa kii ugu danbeeyay oo duhurnimadii maanta ku dhaxmaray magaalada Beledweyne madaxweynaha iyo odayaasha waxaa lagu guuleystay in leysku waafaqo wareegtadii dhawaan ka soo baxday madaxweynaha ee aheyd shirka dhismaha maamulka labada gobol lagu qabto magaalada Jowhar

unnamed-3-3Wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaliya C/raxmaan Max’ed Xusseen Odawaa oo warbaahinta kula hadlay xarunta maamulka gobolka Hiiraan, ayaa sheegay in madaxweynaha iyo odayasha dhaqanka gobolka Hiiraan isku afgarteen in la dadajiyo dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Ugu danbeyntii, madaxweynaha iyo wafdigii uu horkacayay ayaa galabta ka anbabaxay magaalada Beledweyne, iyaga oo dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!