Madaxweyne Xassan Sheekh oo Addis Ababa kula shiray wasiirka arrimaha dibada Norway

by admin | Tuesday, Jul 14, 2015

Addis Ababa  : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha dibada ee Boqortooyada Norway Børge Brende.

Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa ka wadahadley xiriirka labada dal, iyo kaalinta Norway ay ka qaadaneyso taageerada hawlaha dib u dhiska iyo mashaariicda horumarinta ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa wasiirka uga warbixiyey xaaladda dalka Soomaaliya, dhinacyada amniga ,siyaasadda, dhaqaalaha iyoA1 horumarinta adeegyada bulshada.

‘’Horumar la taaban karo ayaa ka jira Soomaaliya, balse waxaan beesha caalamka iyo dowladda Norway ka codsaneynaa in na laga taageero kaabeyaasha dhaqaalaha , tamarta, abuurista machadyo ay dhalinyarada ka bartaan mihnadaha kala duwan, maareynta kheyraadka iyo guud ahaan adeegyada kale ee muhiimka u ah dib u dhiska Soomaaliya’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Norway Mr Brende, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay waddamada kaalinta hore kaga jira inay ka faa’ideystaan kaalmada dibedda ee Norway, tallaabadaasina ay tahay mid baarlamanka dalka Norway uu ansixiyey.

“Waan ku faraxsanahay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso, rajo weyn ayaanna ka qabaa in horumar intaa ka ballaaran la gaari doono. Norway waxay diyaar u tahay inay Soomaaliya kala shaqeyso adeegyada muhiimka ee ay u baahan tahay. Waxaan dhowaan Soomaaliya u soo direynaa wafdi khubaro ah oo dersi doona adeegyada dhanka horumarinta ee Norway ay kala shaqeyn karto Soomaaliya. Soomaaliya waa dal kheyraad badan leh, anigoo ku rajo weyn in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo si wanaagsan uga faa’ideysan kara, waddankoodana horumar u horseeda’’, ayuu yiri Mr Brende, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Boqortooyada Norway.

Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa sidoo kale ka wadahadley arrimaha gobolka Geeska Afrika, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, amniga caalamka iyo arrimo kale.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa wasiirrada Arrimaha Dibbedda, Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar, Maaliyadda, Mudane Maxamed Aadan Ibraahim, Batroolka, Mudane Maxamed Mukhtaar Ibraahim, La Taliyaha Madaxweynaha, Mudane Aweis Xaaji, iyo mas’uuliyiin kale oo labada dhinac ka socdey.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!