Madaxweyne Xassan Sheekh oo afur u sameeyay taliyayaasha ciidammada

by admin | Thursday, Jul 9, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud, islamarkaana ah taliyaha ugu sareeya ciidammada qalabka sidda, ayaa xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya afur ugu sameeyay madaxda laamaha amniga Qaranka.

Madaxweynaha ayaa intii munaasabadda ay socotay kala hadlay madaxda laamaha amniga, xaaladda dalka uu ku sugan yahay iyo sidaXassan Sjeekhj afar ciidammada looga doonayo inay doorkooda saliimka ah uga cayaaraan.

“Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed way ogsoon yihin hawsha adag ee ay ciidammada Qalabka sida inoo hayaan. Hawshaasi waxaan doonayaa in la labanlaabo, ilamaa guud ahaan cadowga laga sifeeyo waddanka, awooddeenana aan isugu geyno dhanka horumarka”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale taliyeyaasha ciidammada farey in si dhow loola socdo xaaladda nololeed ee ciidammada, xuquuqda ay leeyihiin, anshaxa iyo isla xisaabtan dhanka hawlaha sugidda amniga.

Munaasabadda waxaa ka soo qeybgaley Wasiirka Gaashandhigga Sareeyo Guuto Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, Wasiirka Amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed, taliyeyaasha ciidammada iyo mas’uuliyiin kale.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!