Madaxweyne Xassan Sheekh oo Baydhabo u tagay ka qeyb-galka caleemo saarka Shariif Xassan

by admin | Wednesday, Dec 3, 2014

Baydhabo : HN :– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo lugu waddo inay maanta ka dhacdo caleemo saarka madaxweynaha koonfur-galbeed Soomaaliya.

Caleemo saarka Shariif Xasan Sheekh ayaa qorshuhu yahay in maata ay ka dhacdo Baydhabo oo dhawaan doorasho ka dhacday looguXasan-Sheekh-374x300 doortay madaxweynaha Koonfur-galbeed.

Munaasabada calleemo saarka ee maanta ka dhaceysa Baydhabo ayaa waxaa kale oo lagu casuumay, madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira, odayaasha dhaqanka, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamada ammaanka ee dowladda lagu soo daadiyay waddooyinka magaaladaasi.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!