Madaxweyne Xassan Sheekh oo beeniyay wax ka badal lagu sameeyay calanka Soomaaliya

by admin | Monday, Oct 12, 2015

Muqdisho : HN :– Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay munaasabad saaka lagu qabtay magaalada Muqdisho oo lagu xusayay maalinta calanka ayaa beeniyay in calanka Soomaaliyeed wax laga bedelayo.

Munaasabadan oo ay ka soo qeybgaleen Madaxweyne Xasan Sheekh ra’iisal wasaare Cumar Cabdrashiid Cali Sharma’arke iyo Hassan-Sheikh-MohamudGuddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kamid ahaa madaxdii kaqeybgashay 61 sano guurada maalintii ugu horeysay ee calan xor ah laga taago dalka Soomaaliya.

“Ma jirto qorshe ay dowlada wax ugaga bedeleyso calanka Soomaaliyeed waana warar been abuur in wax laga bedelayo calanka.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhowaan ayaa waxa ay shabakadaha qaarkood qorayeen warar sheegaya in calanka wax laga bedeli doono ayna qorshahaas wadaan dalalka Kenya iyo Ethiopia. Wararkan ayaa tilmaamayay in labada dowladood ay u gudbiyeen ururka Midowga Afrika ashtako ah in xiddiga shan geeska ah ee dhexda ugaga taal calanka Soomaaliyeed ay tahay mid xadgudub ku ah wadamadooda maadaama ay tilmaamayso in qeybo ka mid ah wadamadooda.

Hadalka ka soo yeeray madaxweynaha ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee lagu beeniyo warar bulshada siweyn ugu xoogeystay oo ahaa in wax ka badal lagu sameeyay calanka Soomaaliya.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!