Madaxweyne Xassan Sheekh oo booqday deegaanka Cadalle

by admin | Friday, Oct 10, 2014

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas bishan ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay degmada dadweyne badan iyo shacabka degmadaas ku nool, iyadoo amniga degmada ay aad u adkeeyeen ciidammo isugu jira AMISOM iyo kuwa dowladda.

Booqashada uu madaxweynaha Soomaaliya ku tagay degmada Cadale ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo uu ku tago degmadaas, iyadoo lgau wado in uu shacabka degmadaas la hadlo saacadaha uu booqashada ku joogo.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe, Cali Guud-laawe iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka degmooyinka gobolkaas ayaa ka mid ahMadaxweyne-Xasan-Sheekh-NEWS3 xubnaha ku soo dhaweeyay madaxweynaha degmada Cadale.

Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa degmada Cadale ku tagay diyaarad nooca kuwa qummaatiga u kaca ah, iyadoo safarkan uu ka mid noqonayo kuwii uu madaxweynuhu ku tagay degmooyinka Al-shabaab laga qabsaday.

Dhawaan ayuu madaxweynaha Soomaaliya sheegay in Al-shabaab awood ahaan la jabiyay, ayna sii wadi doonaan dagaallada ay kula jiraan inta ay ka saarayaan dalka oo dhan, inkastoo kooxdu ay weli ka taliso dhul ballaaran.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!