Madaxweyne Xassan Sheekh oo cambaareeyay weerarkii Ismiidaaminta ee Baydhabo

by admin | Saturday, Dec 6, 2014

Muqdisho : HN :– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa si kulul  u cambeereeyay weerarkii ismiidaaminta ah ee gallinkii danbe ee maalintii shalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu cambaareeyay weerarkaas oo lagu tilmaamay inuu yahay mid muujinaya cadaawad iyo naf la caarinimo.

“Falkan isqarxinta ah ee lala bartilmaameedsaday dad shacab ah oo aan waxba galabsan, waxay ina tuseeysaa cadaawadda iyo naflacaariga kooxaha nolol diidka ah oo damacoodu yahay in ay wiiqaan nabadda iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray ehelada dadkii iyo nafwaayay weerarka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed. “Dadka dhintayMADAXWEYNAHA OO LA KULMAY 11 waxaan Eebbe uga baryayaa inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo dadka dhaawaca ahna uu caafimaad deg deg ah siiyo,” ayuu raaciyay Madaxweynuhu.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed sida ay ciidamadda ammaanka ugu wargeliyeen weerarro noocaan oo kale ah oo la damacsanaa in shacab lagu waxyeelo has yeeshee la fashiliyay. Wuxuuna ugu baaqay in ay ku sii dhiirradaan la shaqeynta ciidamadda ammaanka.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa ciidamadda ammaanka qeybahooda kala duwan ku amray inay sii xoojiyaan dadaalada ay uga hortagayaan ficilada noocaan oo kala ah oo ay kooxaha nolol diidku isku dayayaan inay waxyeelo ugu geystaan shacabka Soomaaliyeed.

 

 Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!