Madaxweyne Xassan Sheekh oo cambaareeyay weerarkii lagu dillay shaqaallaha QM

by admin | Monday, Apr 20, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka maanta loogu geystay shaqaalaha QM ee Garoowe ka dhacay.Xasan-Sheekhadka iyo dalka Somalia, gaar ahaanna ubadka Soomaaliyeed maaddaama shaqaalaha la weeraray uu xilkoodu ahaa waxbarashada carruurta Soomaaliyeed.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu tacsi u diray eheleada dadkii lagu dilay weerarkii maanta ka dhacay Garoowe. Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah tacsi ugu diray xoghayaha guud ee QM, Ban Ki-moon iyo madaxda dalalka ay u dhasheen shaqaalihii Qaramada Midoobay ee weerarkii maanta lagu dilay.

Madaxweyuhu wuxuu xusay inaan ummadda Soomaaliyeed illoobi doonin waxqabadka iyo taageerada Qaramada Midoobay iyo xubnihii naftooda u huray. wuxuuna ballan-qaaday in baaritaan deg-deg ah ay ciidammada ku sameeyaan weerarkaas; isla markaana Qaramada Midoobay lala wadaagi doono xogta, iyadoo gacna furan lagu soo dhaweynayo haddii ay QM dooneyso inay ka qayb-qaadato baaritaanka.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Somalia wuxuu ku boorriyay Puntland gaar ahaan ciidanka ammaanka Puntland inay sii xoojiyaan feejignaantooda isla markaana aanay u dabcin arga-gaxisada oo hadda ku soo haray degaanno kooban, laguna daba jiro.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!