Madaxweyne Xassan Sheekh oo casho sharaf u sameeyay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Galmudug

by admin | Sunday, Jul 19, 2015

Muqdisho : HN :– Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay xarunta Madaxtooyada villa Soomaaliya waxa uu casho sharaf ugu sameeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Casir Gacal iyo Xildhibaano katirsan Baralamaanka maamulkaasi.

Kulanka Caaho Sharafta waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka SoomaaliyaGalmudug-1 Maxamed Sh Cusmaan Jawaari, Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Xildhibaano katirsan baarlamaanka Galmudug.

Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo ka hadlay Kulanka Casho Sharafta ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Soomaaliya , Gudoomiyaha Baalamaanka Gacantii ay ka geesteen dhismaha Maamulka Galmudug.

Gudoomuayha Baarlamaanka soomaaliya Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay howsha quruxda badan ee uu soo qabtay baarlamaanka dowlad gobaleedka galmudug isagoo xusay in ay ka gacansiiyanaa taageero walba oo ay baarlamaankaasi uga baahanyihiin baarlamanka soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane xasan Sh Maxamuud oo kulanka ka hadlay ayaa kula dardaarmay mudanayaasha baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Galmudug in ka shaqeeyaan Cadaaladda iyo hormarinta dhameystirka dhismaha maamulkaasi, si mideysanna uga soo horjeestaan wax kasta oo hagal daacin kara hormarka deegaanka iyo dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii kulanka ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay taageereyso dhamaan baarlamaanada maamulada ka dhisan dalka iyo kuwa dhismayaba sid dalku u gaaro horumar iyo barwaaqa waarta.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!