Madaxweyne Xassan Sheekh oo dad shacab ah kala qeyb-galay tukashada salaada ciidda

by admin | Friday, Jul 17, 2015

ciida-6Muqdisho : HN :–Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed kala qeybgaley salaadda Ciidul Fidriga oo ka dhacdey Masjidka Isbahaysiga ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa mar kale shacabka ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidda, isagoo dhanka kalena ku booriyay in la adkeeyo midnimada iyo is jaceylka bulshada dhexdeeda.

“Muhimadda koowaad ee shacabka iyo dalka waa amni, si aan amni buuxda u helno waxaa khasab ah inaan si wadajir ah dhibaatadaasi u wajahno. Ilaahay wuxuu inoo fidinayaa naxariis iyo kheyr haddii aan isku duubnaano, oo aan mid noqono. Aan ilaahay dartii isku cafino, ugana shaqeyno midnimada dadkeena.Waxaa kale oo muhiim ah inaan sharciga ilaalino, dowladnimadana taageerno si waddankeena uu horumar u gaaro, dibna aan usoo ceshano maqaamkii sharafka lahaa ee aan caalamka ku lahayn,’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

unnamed4Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibedda jooga inay waddanka maalgashadaan, si dalka u gaaro dib u so kabasho dhaqaale, shaqo abuurna loogu sameeyo dhalinyarada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale maliishiyada kooxda Al Shabaab ugu baaqey inay ka faa’ideystaan fursadda weli furan ee cafiska dowladda, si ay shacabkooda dib ugu soo biiraan.

ciida-3Salaadda Ciidul Fidriga ayaa waxaa Madaxweynaha kala qeyb-galey Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, xubno ka tirsan labada gole, taliyeyaasha ciidammada iyo mas’uuliyiin kale.

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa maanta siweyn ugu dabaal degay munaasabada ciidda.

ciida-8ciida-3Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!