Madaxweyne Xassan Sheekh oo dalka dib ugu laabtay

by wadani | Sunday, Dec 6, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa dalka dib ugu soo laabtay.images

Madaxweyne Xassan Sheekh iyo wafdiisa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay udoomiyaha baarlamanka Prof. Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamanka iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxwene Xasan Sheekh Max’uud ayaa magaalada Johanisberg ee dalka South Africa uga soo qeybgalay shirka madaxda dalalka Afrika iyo Shiinaha kaasoo looga hadlayay horumarinta xiriirka Africa iyo Shiinaha gaar ahaan dhinaca ganacsiga iyo dhaqaalaha.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xassan Max’uud ayaa kulan gaar ah la soo qaatay dhiggiisa dalka Shiinaha oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada dal.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!