Madaxweyne Xassan Sheekh oo dalka dib ugu laabtay

by admin | Monday, Mar 16, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii uu dhawaan dalka Masar uga qeyb galay shir looga hadlayay dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Madaxweyne Xasan iyo wafdiga la socda waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda iyo saraakiil ciidan.

Madaxweynaha oo ka mid ahaa madax kala duwan oo shirka lagu casuumey ayaa ugu horeyn khudbad uu halkaasi ka jeediyay kuMadaxweyne-Xasan-512x264 ammaaney Masar dhabbaha ay hayso ee dhinaca qaabeynta mustaqbalka dhaqaalaha dalka oo uu sheegay inay ka faa’iidi doonaan Waddamada Carabta iyo Qaaradda Afrika.

“Waa muhiim in waddamadeena ay horumariyaan siyaasad qeexan oo lagama maarmaan u ah kobcinta maalgashiga shisheeye iyo kan gudaha, waxayna taasi kaalin muuqata ka qaadaneysaa dhaqaalaha oo kordha. Waxaan dhammaanteen halkan isugu nimid inaan isweydaarsano fikrado la xiriira qaabka aan himiladaasi ku gaaro karno iyo inaan ka sii taxaddarno caqabadaha naga hor imaan kara iyo sida looga gudbi karo’’ ayuu yiri Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Sharm El Sheik waxa uu kulamo kula qaatay madax kala duwan oo uu kala hadlay xaaladda dalka iyo horumarka ay dowladda ku tallaabsatay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!