Madaxweyne Xassan Sheekh oo dib ugu laabtay magaalada Muqdisho

by admin | Tuesday, Feb 17, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Max’uud oo dalka dibaddiisa ugu ambabaxay toddobaadkii lasoo dhaafay arrimo caafimaad ayaa dib ugu soo laabtay saaka Muqdisho.

Madaxweynaha  oo ay la socdeen xubno kooban oo dowladda ka tirsan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan kuwa dowladda Somalia.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo xilka sii haya, Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari, wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan2014812635434321427172118IMG_8347 dowladda ayaa kaga hortagay madaxweynaha garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Ma jirto wax hadal ah oo uu saxaafadda siiyay madaxweyne Xasan markii uu soo gaaray Muqdisho, iyadoo imaanshihiisa uu kusoo beegmayo xilli shalay ay kooxo hubeysan Isgoyska KM-4 ku dileen afar xubnood oo ka tisranaa shaqaalaha waaxda hawada ee garoonka diyaarardaha Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa dalka Jarmalka u tagay baaritaan caafimaad sida uu u sheegay warbaahinta, balse wax faahfaahin ah oo uu ka bixiyay socdaakiisii caafimaad ma jirto.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!