Madaxweyne Xassan Sheekh oo dib ugu laabtay magaalada Muqdisho

by admin | Thursday, Mar 26, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayay oo mudo saddex cisho ah ku sugnaa magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud, ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa intii uu joogay Dhuusa-mareeb wuxuu kulamo gaar-gaar ah la yeeshey salaadiin iyo ergooyin ka socda beelaha gobollada dhexe, waxayna isla qireen baahida loo qabo in la dadajiyo dhismaha maamulka gobollada dhexe ee dalka.

War-saxaafadeed laga soo saaray xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay madaxweynaha iyo xubnihii uu la Madaxweyne_Xasan_oo_soo_gunaanaday_Booqashokulmay ay si qota dheer iskula gorfeeyeen arrimo la xiriira qabashada shirka lagu dhisayo maamulka gobollada Galguduud iyo Mudug.

Ugu dambeyn, warka ayaa lagu sheegay in madaxweynaha iyo ergooyinka y isku af-garteen in la dhaqaajiyo shirka lagu dhisayo maamul-goboleedka deegaannada gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Illaa hadda lama sheegin qodob rasmi ah oo ay madaxweynaha iyo ergooyinkii uu la lahaa kulammada saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ay isku afgarteen, iyadoo wadahadalka Dhuuso-mareeb ay socdeen lagu aragti duwanaa in shirka lagu qabto Dhuuso-mareeb iyo in lagu qabto Cadaado.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!